U bood dhigaalka

Barack Obama Oo Cunaqabateynta Hubka Ka Qaadaya Dalka Vietnam

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabateynta hubka ka qaadayo dalka Vietnam.

Barack Obama ayaa hadalkan ka sheegay booqasho uu haatan ku joogo dalkaas, booqashadan ayuu sidoo kale Obama ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedi doonta in labada dhinac isku dhawaadaan.

Barack Obama ayaa Axaddii waxaa uu dalka Vietnam ku tagay booqasho saddex maalmood, iyagoo ay la xiriirto sidii labada dhinac u yeelan lahaayeen iskaashi xagga dhaqaalaha iyo Militariga ah.

Mareykanka  iyo Vietnam waxaa uu dagaal dhexmaray 1955-1975-tii, dagaalkaan oo qeyb ka ahaa dagaalkii qaboobaa waxaa ku dhintay dad aad u tiro badan, tilaabooyinka ka dhashay waxaa ka mid ahaa cunqabateynta hubka ee hadda la qaadayo.