U bood dhigaalka

Baraha Bulshada Oo Ku Dhawaaqay Tallaabooyin Cusub oo Muhiim ah

Shirkadaha Facebook, Google iyo Twitter ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si wadajir ah ugu dhawaaqay iney ilaalin doonaan “Trust Project” oo ah barnaamij cusub oo loogu talogalay in dadka akhristayaasha ah lagu looga ilaaliyo warar oo ka soo baxa hay’ado lagu kalsoon yahay.

Tiro dadka wararka faafiya ah ayuunbaa loo oglaandoonaa iney warar dheeraad ah ku faafiyaan barahooda bulshada, halka saxafiyiinta maqaalada qorana laga daalacan karo meel gaar ah oo looga sameeyay baraha bulshda.

Shirkadahan ayaa ku heshiiyay iney adkeeyaan isla markaana ilaaliyaan xuquuqda warka iyo iney la dagaalamaan wararka been-abuurka ah.

Si kastaba, Shirkadda Facebook ayaa lagu eedeeyay wixii ka dambeeyay October 16, iney dhuunta qabatay website-yada yaryar ee soo koraya maadamaa wararkii dadka si fudud ku gaari jiray ay lacag ka dhigtay, iyadoo ku andacooneysa shirkaddu iney la dagaalameyso wararka been-abuurka ah.