U bood dhigaalka

Barakac Ka Bilawday Degmada Baardheere Sababo La Xiriira Duulaamo Halkaasi Ku Wajahan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dad aan badneen oo degmada ka mid ah ay bilaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan, ka dib markii ay ka baqeen duulaano degmadaasi ku wajahan.

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah islamarkaana ay la socdaan kuwo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa la sheegayaa in ay u ruqaansadeen dhanka degmadaasi.

Degmada Qansaxdheere ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Itoobiya ay kasii gudbeen, waxaana sidoo kale jirta jihooyin kale oo degmadaasi looga ruqaansaday.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Al-shabaab ah ay iyaguna gurmad ahaan halkaasi u gaareen, taasi oo keentay walaaca ay qabaan dadka shacabka ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa sanado badan maamulaysay degmada Baardheere, hase ahaatee maamulka gobalka Gedo ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Al-shabaab ay kala wareegi lahaayeen dhammaan deegaanada gobalkaasi ay ka joogaan.

Goobjoog News