U bood dhigaalka

Barakac Ka Bilawday Magaalada Marka Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in shacab badan oo ku dhaqan xaafado ka mid ah magaaladaasi ay bilaabeen in ay isaga barakacaan, ka dib markii ay ka baqeen in waxyeelo ay soo gaarsiiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in shacabkii ku dhaqnaa Xaafadda Ruusiyo ee magaaladaasi ay saaka hore bilaabeen in ay halkaasi ka barakacaan.

Dadka ku dhaqan xaafadaan waxa ay qaarkood halkaasi ka barakaceen habeenkii xalay ahaa, ka dib markii xaafadooda qaraxyo iyo dilal ay ka dhaceen.

Hase ahaatee dadkii aanay u suurta gelin in halkaasi ay xalay ka cararaan ayaa saaka bilaabay Barakac, waxaana dadka ay noqdeen Laba qeyb, oo qaarkood waxay sii aadeen xaafadaha kale ee Marka, halka kuwo kalena ay magaalada Muqdisho usoo ambabaxeen.

Dhinaca kale ciidamada AMISOM ayaa lasoo sheegayaa in xaafadda Ruusiya ay soo dhigteen gaadiid dagaal iyo kuwa Shabaqlaha ah, taasi oo wal wal badan ku beertay dadka shacab ah.

Goobjoog News