U bood dhigaalka

Barakacayaal Dowladda Ka Dalbaday Gurmad Degdeg Ah

Sheeko:Dalka

Barakacayaasha ku dhaqan deegaanno u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka dalbadeen in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

Barakacayaashan oo abaarta darteed uga soo cararay deegaanno kamid ah gobollada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in dhibaato badan ay lasoo kulmeen, una baahan yihiin in loo soo gurmado.

Ceebla C/raxmaan Cumar, waa hooyo 6 Carruur ah oo ay dhashay ay abaarta u geeriyoodeen xilli ay damacsaneyd in gobolka Baay ay kasoo barakacaan ayaa sheegtay in xaalad adag ay lasoo kulantay.

Waxa ay sheegtay in ay lahaayeen xoolo badan, balse abaarta ay la tagtay, iyadoo tilmaantay in hadda 2 Carruur ah ay wadato, iyadoo ku baaqday in loo gurmado.

“Aniga 8 carruur ah ayaan dhalay, 6 abaarta ayeey iiga dhinteen, xoolihii aan lahayn dhan wey dhammaadeen, meeshaan aan joogno waxaan kasoo doonanay gurmad degdeg ah” ayeey tiri Ceebla.

Dhanka kale barakacayaasha kale ee ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka iney lasoo gaaraan gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Goobjoog News