U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Baladweyne Oo Deeq Kala Duwan La Guddoonsiiyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Hay’adda DRC ayaa deeq isugu jirta Joodariyaal, maacuun iyo agab kale oo muhiim ah waxa ay guddoonsiisay qaar ka mid ah Soomaalida kasoo cararay dagaallada Yemen ee ku sugan magaalada Baladweyne.

Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay ayeey Hay’addu deeqdaan u qeybinaysay dadkaan, waxaana xusid mudan inay ka faa’ideysteen qoysas aad u badan.

Dadkii ka fa’ideeystay deeqdaasi ayaa sheegay in markii ugu horeysay  ay soo dhaweeyn wanaagsan aay kala kulmeen magaalada Beledweyne, waxaana sidoo kale ay sheegeen in ay qaateen lacago mudo ku siman Laba Bil.

Duqa Magaalada Beledweyne Cumar aadan (Baadiyoow) oo ka qeybgalay qeybinta deeqdan ayaa sheegay in DRC wax badan ay ka bedashay noloshii ay ku jireen dadka kasoo qaxay dagaalada dalka Yemen.

Waa markii ugu horeysay oo deeq noocaan oo kale ah la gaarsiiyo dadkii ka yimid dalka Yemen, waxaana deeqdaan ay imaaneysaa xilli dad badan oo dhibaateysan ay ku noolyihiin xaafadaha magaalada Beledweyne.

 

DSC05078 DSC08270 DSC05020 DSC05030 DSC05051

Goobjoog News