U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan B/weyne Oo Gargaar Dalbaday

Sheeko:Dalka

Barakacayaal ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney xilligaan u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, maadaama hadda lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Kamka Nasiib ee B/weyne waxaa ku sugan qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha dalka ka jira, waxaana ay sheegeen dadkaan in xilligaan aanay heysan raashiin ay ku afuraan.

Qaarkood dadka ku nool kaamkan waxay u sheegeen Goobjoog News, in ay isugu darsan tahay gaajo iyo biyaha roobka oo dushooda ku dhacda, iyaga oo tilmaamay in aysan jirin cid u gargaarta.

“Soonka wax aan ku afurno maleh, rafaad baa ina haysta, raashiin maleh, hoy meleh, waxaan u baahannahay gurmad deg deg ah, gurmad aan helnay maleh, dadka magaalada ayaan dhex galnaa si ugu yaraan Afur u helno” sidaasi waxaa tiri mid kamid ah haweenka ku barakacay B/weyne.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, guddiga qaran ee gurmadka abaaraha iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah in ay lasoo gaaraan raashiin iyo baco ay roobka kaga gambadaan.

Goobjoog News