U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Qardho Oo Gurmad Dalbadey

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah barakacayaasha ku dhaqan degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa dalbaday in lala gaaro gurmad dhanka nolosha ah.

Kaamka New waxaa ku sugan barakacayaal badan oo ka kala tagay qaar kamid ah gobollada dalka, waxaana dadkani qaarkood yihiin kuwo aan awoodin iney hal waqti dabka shitaan.

Caasho Ibraahim waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool kaamkaasi, waa naafo, waxay haystaa canug 5 sano jir ah oo aad u xanuunsan, waana mid u baahan gurmad caafimaad.

Ma jirto cid qoyskaan caawisa, mararka qaar maalintii oo dhan ma helaan raashiin ay cunaan.

Caasho oo la hadashay wariyaheena Xabiibo Ladan ayaa sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Puntland iyo dowladda federaalka ka dalbaneyso in gurmad ay lasoo gaaraan.

“Waxaan ka dalbanayaa aniga oo naafo ah canugeygana aad iiga xanuunsan yahay in nala soo caawiyo, caafimaad haddii ay tahay, wax aan cunno iyo wax aan cabno, annaga cid noo maqan malahan, dadka kaamka nagula nool oo iyagaba dhibaateysan baa inoo soo gurmada” ayeey tiri Caasho.

Magaalada Qardho waxaa ku nool barakacayaal Soomaaliyeed oo inta badan aan helin gurmad, kuwaa oo mar walbo shacabka u dira baaq ah iney caawinaad la gaaraan.

Goobjoog News