U bood dhigaalka

Barakacayaasha Baladweyne oo gurmad deg-deg ah codsaday

Sheeko:Dalka

Dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa dalbaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro xili maalinta berry ah loo dabaal degayo Ciidul Adxa.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa dhinaciisa sheegay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka heysta dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha Baladweyne.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobalka Mudug Aweys Cali Saciid ayaa ku baaqay in la qeyb qaato gurmad loo sameeyo shacabka ku dhaqan gobalkaasi xilli abaar ba’an saameeyay dadka iyo duunyada ay ka taagan yihiin gobalka Mudug.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan waxba soo gaarsiin dadka gobalka Mudug kadib markii ay ku war-galiyeen xaaladda ka jirta gobolka.