U bood dhigaalka

Barakacayaasha Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya Lagama Aqoonsana Hargeysa.

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 600 oo qoys oo ku nool kaamka barakacayaasha ee Istanbul2 ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiyay nolosha ay ku haystaan halkaasi, iyagoo sheegay in aanay haysan biyo, caafimaad, cunto, hoy iyo musqulo.

Dadkan ayaa sheegay in ay ballan-qaadyo badan ka heleen xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah, hase ahaatee aan waxba loogu qaban.

Warbixin ay soo saartay xarunta xuquuqul Insaanka Madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa lagu sheegay in dadka ku sugan kaamka barakacayaasha ee Istanbul2 ee ka soo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya aan loo aqoonsaneyn barakcayaal iyo qaxoonti midna, maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale waxay dadkan u aragtaa Qaxooti halka hay’adaha Caalamigana u arkaan barakacayaal.

“Xamar waxaan ka imid 2005-tii waxaan uga imid ammaan la’aan sidaasaan halkan ku imid.. hay’adaha qaxoontiga annaga nooma aqoonsana inaan nahay barakacayaal xaq ayaan u leenahay qaramada midoobay” sidaas waxaa tiri Hooyo Nimco Sayid Cali Ibraahim oo ka mid ah dadka kasoo cararay colaadaha ka jiray Koonfurta Soomaaliya ee k u nool xerada barakacayaasha Istanbul2.

Dadkan ku sugan xeradan ayaa waxaa kale oo ay codsadeen in la siiyo dhul ay degaan maadaama aanay iyagu lahayn dhulka ay degan yihiin hadda.

Ugu dambeyntii, Xarunta xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda ay ku sugan yihiin dadkani.

Goobjoog News