U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Sugan B/weyne Oo Gargaar u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolkaa Hiiraan ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada B/weyne.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku sugan yihiin barakacayaal badan, islamarkaana hadda u baahan gurmad dhan walb leh.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay ku mashquushay doorasho, dadkuna ay yihiin kuwo aan haysan wax ay cunaan ama ay cabaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in shacabka Hiiran oo isku duuban looga baahan yahay iney u gurmadaan barakacayaashan, maadaama dadkaasi ay iyagu usoo martiyeen.

“Reer Hiiraan  waxaan leenahay isku tashada, dadkaan wax u qabta, waad u jeedaan dowladdii waxay ku mashquushay doorasho, dadkiina waa ay dayacmeen” ayuu yiri Sheekh Xuseen.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqey Hay’adaha samofalka ah iney sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad bini’aadannimo lasoo gaaraan dadka barakacayaasha ah.

“Aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddan ay i siisey Goobjoog, hay’adaha samofalka ah waxaan leeyahay dadkaan kusoo barakacay magaalada B/weyne lasoo gaara gurmad isugu jira Hoy, raashiin iyo Biyo” ayuu yiri Sheekh Xuseen.

Magaalada B/weyne waxaa ku yaalla kaamam ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, waxaana dadkaasi ay yihiin kuwo aan haysan waxyaabaha u muhiimka ah nolosha.

Goobjoog News