U bood dhigaalka

Barakacyaal Cusub Oo Soo Gaaray Kaam Ku Yaalla Degmada Kaxda

Sheeko:Dalka

Qoysas Kasoo Barakacay Fatahaad uu Wabiga Shabelle ka sameeyey gobolka Shabellaha hoose ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Qoysaskan ayaa tiro ahaan ka badan 180, waxaana ay ku sugan yihiin kaam ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qoysaskan ayaa xalay soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxaa ayna ka soo barakaceen deegaanno ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha hoose, kadib markii la sheegay in deegaannadaasi ay dagaalyahannada Alshabaab ay ku fureen Wabiga Shabelle.

Xaliimo Axmed oo ka mid ah horjoogayaasha Kaam ku yaallada degmada Kaxda islamarkaasna ay soo gaareen dadkan ayaa Goobjoog News waxaa ay u sheegtay in dadku ay yihiin kuwo aan heysan wax ay cunaan oo ay cabaan.

Xaliimo waxaa ay intaas ku dartay in aysan jirin Meel dadkan ay ku hooydaan Maadaama ay xalay si ka dis ah ay ku yimaadeen.

“Dadka soo gaaray Kaamka waxaa ay gaarayaan ku dhowaad 180, waxaa ayna yimaadeen xalay labo saac waxaa ay yiraahdeen guryaheennii iyo beeraheennii ayay biyo ku soo fataheen xaaladdooda aad ayey u liidataa waa dad aad u dhibaateysan “.

Kaamka ay dadkan ku soo degeen horay waxaa ugu jiray barakacyaal iyagana sidoo kale ka yimid gobolka Shabellaha hoose kuwaasi oo markii hore ku jiray nolol adag.

Goobjoog News