U bood dhigaalka

Barakacyaal Dalbaday In Dib Loogu Celiyo Deegaannadoodii

Sheeko:Dalka, War

Barakacyaasha ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in dib loogu celiyo deegaannadoodii si ay u fashaan dalagga beeraha maadaama uu bilowday roobkii guga.

Barakacyaasha ayaa sheeagaya in hadda ay doonayaan in ay dib u fashaan beerahooda oo awal ay uga soo baro kaceen abaaro jiray awgeed.

Qaar ka mid ah dadkan barakacyaasha ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa yir.

“Waxaan ahaa beeraley waxaan doonayaa in aan dib ugu laabto deegaankeygii si aan u fasho beeraha “.

Qof kale oo ka mid ah barakacyaasha oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Hadda waan rabaa in la ii celiyo gobolkeyga si aan u tacbado beerteyda”.

Dadkan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in si dhaqso ah loogu celiyo deegaannadoodii si ay u tacbadaan dalagga beeraha xilli uu bilowday roobkii guga.

Goobjoog News