U bood dhigaalka

Barakacyaal Dalbadnayo In Gargaar Lala Soo Gaaro

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ku sugan Barakacyaal kuwaasi oo dhibaato xooggan oo dhanka nolosha ah ay xilligaani haysato, xilli dhowaan ay bilaabaneyso Bisha barakeysan ee Ramadan.

Dadkan Barakacyaasha ah ayaa sheegay in aysan haysan wax ay ku afuraan Ramadaanka, haddaba waa side xaaladda nololeed Barakacyaasha iyo Ramadaanka waxaa arrintaasi ka hadleysa Faadumo Cumar oo ka mid ah Barakacayaasha ku nool duleedka Muqdisho.

“Soonkaan wax aan kaga baxno maheysanno xitaa ma heli karno wax aan qaxwo ku karsanno, waxaan ka codsaneynaa dowladda iyo dadka wax haysta in gargaar noo fidiyaan si aan uga baxno bisha Ramadaan”.

Kumanaan Barakacyaal ah ayaa ku nool duleedka Muqdisho mana haystaan nolol ku filan iyaga oo la daalo dhacayo nolol Maalmeedka.

Barakacyaashan ayaa waxay baaq u direen dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ugu baaqeen in ay gargaar la soo gaarto madaama ay curaneyso bisha Ramadaan.

Goobjoog News