U bood dhigaalka

Barakacyaal Dalbanaya In La Caawiyo Maalmaha Ciidda

Sheeko:Dalka

Waalidiin badan oo ku nool Xerada Malable ee ku yaallo deegaanka Sar-kuusta ayaa xilligan waxay walaac xooggan ka muujinayaa helitaanka dharka ciidda ee ilmahooda.

Waalidiinta barakaca ah ayaa waxay tilmaameen in maalinta Ciidda aysan awoodin in ilamahooda ay la qeybsadaan Farxadda maadaama aysan awoodin in ay u gadaan dharka Ciidda.

Barakacyaashan ayaa waxay sheegayaan in ay ku adagtahay helitaanka nolosha iyaga oo dalbaday in la caawiyo si ay ula qeybsadaan dadka farxadda Ciidda.

Qoysaskan Barakacyaasha ah ayaa waxay tilmaameen inay suura galin in caruurtooda ay u helaan dharka Ciidda iyaga oo codsanaya in la caawiyo.

Goobjoog News