U bood dhigaalka

Barakacyaal Dib U dejin Loogu Sameeyay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qoysaska barakaca ah ee ku nool deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo sameeyay dib u dajin.

Qoysaskan ayaa ahaa kuwii horay uga soo barakacay abaarihii ka jiray qaar ka mid ah gobollada dalka, iyaga oo sidaas ku soo gaaray gobolka Banaadir.

Maamulka deegaanka Garasabaaleey ayaa qoysaskan waxaa uu u sameeyay dib u dajin kuwaas oo markii hore deganaa meel banaan ah, waxaana hadda loo dhisayaa guryo ka sameysan Jiingado si ay uga dhigtaan hooy.

C/raxmaan Axmed Cali oo ah guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ayaa ka warbixiyey sida ay dadka ugu sameeyeen dib u dajinta .

“Waxaan leeyahay cid kasta oo wax u qaban karto dadkan dhibaateysan wax ha u qabtaan, Maamulka gobolka Benaadir waxaan u jeedineynaa yaysan iska fadhinin gobolka ee dadka ay mas’uulka ka yihiin wax ha u qabteen”.

Duruufo adag oo dhanka nolosha ah ayaa heysta dadkan, waxayna walwal ka qabaan sida ay u wajahayaan bisha Ramadaan oo foodda nagu soo heysa.

Xaliimo Ibraahim Barakac waxaa ay tiri “ Mahaysanno waxyaabaha nolosha asaasiga u ah sida hooy fiican iyo cunto “.

Dadkan ayaa horay waxaa looga soo sal jiciyey xerooyin ay ku noolaayeen, waxayna hadda ku nool yihiin deegaanka Garasbaaleey halkaasi oo uu maamulka degamada uu ugu sameeyay dib u dajin.

Goobjoog News