U bood dhigaalka

Barakacyaasha Ku Nool Demada Luuq Oo Ka Cabanayo Fatahaadda Wabiga Jubba

Sheeko:Dalka

 Dhibaatooyin xagga nolosha ah ayaa soo food saartay in ka badan ilaa 367 qoys oo barakacyaal ah,kuwaasi  oo dabayaaqadii bishii hore ka barakacay Fatahaad ballaaran oo uu sameeyey Wabiga Jubba ee Mara degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga waxaa uu burburiyey guro Cooshado ka sameynaa oo ay deganaayeen dadkan Barakacyaasha ah, waxayna sheegeen in aysan heysanin meel ay gabaad ka dhigtaan.

Qoysaskan waxay deganaayeen  Afar Xero oo ku yaallo gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxayna ku qasabtay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga in ay ku barakacaan duleedka Magaalada.

Dadkan ayaa sheegay in guryihii ay la haayeen ay ku burbureen Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Jubba iyaga oo codsaday in lala soo gaaro gargaar degdeg ah.

Goobjoog News