U bood dhigaalka

Barakacyaasha Ku Nool Gaalkacyo Oo Ka Cabanaya Xaalado Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Kumanaan qoys oo barakacayaal ah isla markaana ku nool duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa xilligani ka cabanaya xaaladda nolol xumo oo soo wajahday.

Dadkani barakacayaasha ah ayaa waxa ay si kugu jiraan caruur, haween iyo dad da’ ah iyo kuwo ku xoolo beelay abaartii sanadkii hore ku dhufatay gobolka Mudug, waxa ayna qaarkood horay ugu sugnaayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah dadkani oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in ay  soo wajaheen dhibaatooyin badan oo ku xeeran noloshooda, waxa ayna intaas ku dareen in xataa aysan awoodin helidda waxyaabaha nolosha asaasiga u ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Mid ka mid ah barakacayaasha ayaa waxa ay tiri “Meeshaan waxa aan degannahay muddo hal sano ah, waxaan nahay dadkii ay abaaruhu saameeyeen oo baadiyaha deganaa, halkani waxaa na keenay waa duruuf”.

Qof kale oo ka mid ah dadka barakacayaasha ayaa isna yiri “Waxaan nahay dadkii barakacyaasha ahaa oo ay xooluhu soo dhaafeen, sanadkii la soo dhaafayna abaarihii dhacay ku xoolo waayey, guryo ma heysanno caruurteenna waxbarasho iyo caafimaad ma heystaan”.

Dadkani barakacyaasha ah ayaa waxa ay ku nool yihiin daruufo adag kuwaasi oo inta badan ay saameeyeen abaarihii ka dhacay gobolka Mudug waxayna codsanayaan in lala soo gaaro kaalmooyin bani’aadannimo.

 

 Goobjoog News