U bood dhigaalka

Bardaale Oo Cabasho Laga Keenay Doorashada Dhismaha Dowladda Hoose

Sheeko:Dalka

Magaalada Bardaale ee gobolka Baay waxaa ka socda doorashooyinka dhismaha dowladaha Hoose ee maamulka K/galbeed ee Soomaaliya.

Waxaa jira cabashooyin badan oo ay soo jeedinayaan bulshada halkaasi wada degta, guddoomiyaha guddiga baarlamaanka arrimaha gudaha iyo doorashooyinka dowladda hoose ee maamulka K/galbeed Cusmaan Macallin Cabdi ayaa sheegay waxa ka socda Bardaale inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga.

Cusmaan Macallin Cabdi ayaa baaq u diray dowladda Fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka inay soo faro galiso arrintaani.

“Waxaan cadeynayaa in maamullada la dhisayo qodobka 9-aad iyo qodobka 10-aad in lagu tuntay ee kor joogteynta iyo xaqiijintii aan ku la heyn laga tagay umaddana si qalad ah wax loogu sheegay, maamul u sameynta degmada Bardaale waxay u socotaa si aan waafaqsaneyn sharciga”.

Dhismaha dowladaha hoose ee K/galbeed Soomaaliya ayaa laga soo bilaabay degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay ka dhacday doorasho dadka deegaanka ay soo doorteen guddoomiyaha degmada Xudur.

Goobjoog News