U bood dhigaalka

Bari: Ganacsiga Magaalada Boosaaso Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in ganacsiga magaaladaasi uu maanta yahay mid gabi ahaana xiran oo aan shaqeynayn.

Ganacsatada magaaladaasi ayaa ka cabanaya canshuur xad dhaafa oo wasaaradda maaliyadda Puntland ay ku soo rogtay ganacsatada deegaankaasi, taasina ay  sababtay in ganacsigii magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso uu hakad galo.

Candhuurtan ayaa ah mid ganacsadaha laga qaadaayo sheykasta uu faa’iido ka helo taas oo caqabad weyn ku ah dadka danta yar ee ka ganacsada deegaanada maamulkaasi.

Horay waxaa u istaagay ganacsigii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, inkastoo markii dambe ganacsatada lagu qanciyay in cabashadooda la xalin doona, sidaasina ay mar kale dib ugu fureen ganacsigii magaaladaasi.

Wali ma jirto war ay ku qancaan ganacsatada deegaanadaasi oo ka soo baxay maamulka  Puntland.

Goobjoog News