U bood dhigaalka

Bari: Ku Dhowaad 20 Qof Oo Geeriyootay, Kadib Biyo Sumeysan Oo Ay Cabeen

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ay sumoobeen dad badan oo ku dhaqnaa deegaanka Timiro, kadib markii ay ku sumoobeen biyo ay cabeen.

Dadka dhintey ayaa tiradooda lagu sheegay 18 qof, halka ay hadda isbitaallada yaallaan 150 kale.

Guddoomiyaha deegaanka Timiro ee gobolka Bari C/laahi Shire Aw-Yuusuf ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka xanuunsanaya loo kala qaaday deegaannada Iskushuban iyo Carmo.

Guddoomiyaha waxaa sidoo kale uu sheegay iney adkaatay in dadka isbitaallo loo soo qaado, maadaama deegaanka yahay Buuraley, ayna adagtahay in gaadiidka yar yar ay halkaasi galaan.

“Dadkaan ceelkii biyaha ay ka cabi jireen ayaa la sumeeyay, waxaana ku dhintey 18 qof, 150 kale wey xanuunsanayaan oo qaarkood deegaannada nagu dhow ayaan geennay, dhibka noogu daran waxa weeye meesha oo gaadiid yaryar soo geli karin, awr iyo gaadiidka dhagaxyada qaada ayaan dadka kusoo daabulnay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, dadka ku dhaqan deegaanka Timiro ayaa inoo sheegay in maamulka Puntalnd aanu weli wax tallaabo gurmad ah u qaadin shacabka ku dhibban deegaankaasi.

Goobjoog News