U bood dhigaalka

Barlamaanka Puntland oo Xubinnimadii Kala Noqday Dhoobo- Daareed

Sheeko:Baarlamaanka

Mudanayaasha golaha wakiillada dowladd goboleedka Puntland ayaa maanta xubinnimadii xildhibaannimo kala noqday Cabdixakim Maxamed Axmed Dhoobo oo la sheegayo in eedeymo loo soo jeediyey.

Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 41 mudane ayaa 40 ka mid ah waxaa ay u gacan taageen in xasaanaddii xildhibaannimo iyo xubinnimadii lalaga noqday.

November 7, 2019 ayey aheyd markii laga qaaday xilka afhayeenka golaha wakiilada Puntland, maanta waxaa laga qaaday xubinnimadii.

Ilaa hadda lama oga eedeymaha loo soo jeediyey, laakin waxaa muuqato in Puntland ay xidadaha u siibtay Dhoobo.

Goobjoog News