U bood dhigaalka

Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo Labo Bil Jirsaday

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta labo bil jirsaday Ololaha”Gurmad iyo Gargaar” ee loogu gurmanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku go’doonsan, kaas oo Idaacadda Goobjoog News ay bilowday 23-kii April 2015-ka.

Kadib markii ay dagaalada iyo duqeymaha ka biloowdeen, islamarkaasina korordhey dhibaatada gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi ayay idaacadda Goobjoog ayaa go’aansatay in ay qeyb ahaan hakiso barnaamijyada caadiga ahaa, iyadoo lagu badalay Barnaamijyo kale oo loogu gurmanayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen.

Intii lagu guda jirey barnaamijka Gurmad iyo Gargaar waxay dadka Soomaaliyeed ku yabooheen lacago badan oo boqolaal kun oo doolar gaaray, dhar, agab iyo waliba gaadiid lagu soo daabulayo dadka ku xayiran Yemen, hawshaasina wali waa ay socotaa.

Dadka lacagaha yaboohay ee idaacadda soo wacay waxaa ka mid ahaa wasiirro, xildhibaano, ganacsato, dad caan ah iyo waliba dadweynaha caadiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka Kalafadhiga Lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka in xauunka lala qeybsado Qaxootiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna hadal ka jeediyay furitaanka Kalafadhiga Lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku dhiban isagoo  ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan shirkadaha Diyaaradaha iyo milkiilayaasha Maraakiibta in door muhiim ah ay ka qaataan soo daabulidda dadkaasi dhiban.

Agaasimaha Baarlamaanka Maxamed Ciyow oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari amray in labo markab loo diro Cadan, dalka Yemen, Labadasi Markab oo mid ka mid ah ku xiran doono dekadda Cadan, isagoo intaa raaciyay in gudoomiye Jawaari uu sii deynsaday lacagtii lagu ballamay in laga jaro xildhibaanada Baarlamaanka, islamarkaana maraakiibtaasi ay baxeen, Todobaad gudahiisana dadkaasi lasoo daabulayo.

Guddoomiyaha Guddiga diiwaangalinta qaxootiga ka soo laabanaya Yemen oo Goobjoog News Dahabo Cabdi Faarax ayaa sheegtay in ay diiwaangaliyeen ku dhawaad Kun qoys oo doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka ugu baaqay in ay garabsiiyaan walaalahooda dib kaga soo laabanaya Yemen iyo Kenya.

Sheekha oo wareysi siiyay Goobjoog FM ayaa sheegay in ay qasab tahay xilligan oo kale caawinta dadka dhibban oo uu ku tilmaamay in tahay mid qofka muslimka ah berri ay Alle agtiisa wax fiican u yaallaan.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa gurmad u fiday Dad gaaraya 1200 oo ruux oo isugu jira rag,haween iyo carruur oo ka soo cararay dagaalada ka soconaya dalka Yemen ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso.

Inta badan dadkan ayaa waxaa ay ka soo qaxeen caasimada dalka Yemen ee Sanca iyagoo dadkan ay yihiin Soomaali hore uga qaxday dalkooda.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen Cismaan Axmed Maxamed oo Goobjoog la hadlay ayaa qeylo dhaan u diray dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Cismaan in uu jiro culeysyo badan oo soo wajahan dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi, kaasi oo isugu jira dhan walba, sida hoyga, cuntada iyo waxyabo kale oo nolosha muhiim u ah.

Waxa uu sheegay in weli aan lahayn tiro rasmi ah oo ku aadan dadka dalkaasi isaga soo baxay iyo sidoo kale kuwa hadda ku sugan, hase ahaatee lagu qiyaayo sida uu sheegay 500 kun ilaa Hal Milyan oo ruux.

Qunsulka ayaa xaqiijiyay in ay dekada Yemen ay kasoo baxeen dad Soomaaliyeed, kuwaas oo kala gaaray Jabuuti, dekadaha Barbara iyo Boosaaso, isaga oo dadka soo baxay uu sheegay in lagu qiyaasayo 2-kun ilaa iyo 3-kun oo ruux.

Iyada oo maanta labo bilood laga joogo tan iyo intii uu biloowdey barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, waxaa wali socota hawshii loogu gurmanayay shacabka Soomaaliyeed eek u xayiran dalka Yemen.

Goobjoogna kama daali doonto soo bandhigista baahida dadka Soomaaliyeed iyo u doodista xuquuqdooda.

Goobjoog News

Idaacadda Goobjoog News ayaa qabatay labo maalmood oo lacag loogu uruurinayo dadka Qaxootiga ku ah Yemen, waxaa lagaco yaboohay

Maalinta koobaad: May 18, 2015, waxaa lacago yaboohay

Lacagaha la yaboohay si kooban: Marwada koobaad: 10 Kun dollar, Mudane Wasiir Cabdiraxman Odowaa: 5000 dollar, Mudane Wasiir Nux Mushaarkii bisha, Mudane Wasiir Xidig 2000 dolar, Mudane Wasiir  Cali 2000 oo dollar,  Mudane Muungaab 12 Kun oo Dollar, Wasiirada Haweenka: 1000 dollar, Wasiirka Ganacsiga: 2000 oo Dolar.

Guud ahaan Lacagaha Maalintaas ay Mas’uuliyiinta bixiyeen: 38,100

Maalinta Labaad May 23, 2015 waxaa lacago yaboohay:

  1. Xildhibaan: Maxamed Xasan Ibrahim(Qooni): $2000.
  2. Xildhibaan: Xasan Macalin Maxamud:$2000.
  3. Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon: $2000.
  4. Xildhibaan Yusuf Geelle Ogaas: $2000.
  5. Xildhibaan Qaali Axmed Diriye: $500
  6. Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow:  $2000
  • Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda: Cabdullahi Maxamed Nur: $5000
  • Wasiirkii hore ee warfaafinta: Mustaf Dhuxulow: $2000
  • Taliyaha Nabad sugidda Qaranka Cabdiraxman Tuuryare: $7000
  • Murashax G.dhexe Cabdikarim Xuseen Guuleed:$5000
  • Murashac: G.dhexe Axmed Macalin Fiqi, Murashax $2000
  • Ganacsade diiday in uu sheego Magaciisa oo $2000 yaboohay.
  • Ganacsade Cabdiqani: $1000
  • Jaamacadda City: Cabdikarim Xasan Jamac: $3000

Xildhibaanada iyo Ganacsatada lacagta Total: 37,500

Waxaa xusid Mudan in dadweynaha Soomaaliyeed ay ku deeqeen lacago aad u tiro badan, kuwaas oo isugu jiray Caruur iyo Cirroole.

Guulaha laga gaaray “Gurmad iyo Gargaar” waxaa ka mid ah, Waxaa sidoo kale dhacday in Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax uu ku deeqay Markab, kaas oo safar u aaday dalka Yemen, si uu u daad gureeyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.

Idaacadda Goobjoog News ayaa wariyaal ku dartay Markabka Nawaal 3, Wariyaashaas ilaa iyo hadda Markabka ayey dul saran yihiin, Waxaa ay Markabka la socdeen Muqdishu-Yemen-Boosaaso,

Waxaa uu Markabka hadda dib ugu noqday Yemen, Wariyaasheena weli waa la socdaan, si ay daqiiqad walba usoo tabiyaan dhibaatad heysata Qaxootiga Yemen.

June 3, 2015: Xamar ayuu ka tagay

June 13, 2015: Boosaaso ayuu kusoo xirtay

June 22, 2015: Boosaaso ayuu ka baxay.