U bood dhigaalka

Barnaamijka Hal Doolar Ku Dhiso Dalkaaga Oo Lagaga Dhawaaqay B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, barnaaamij loogu magac daray Hal doolar ku dhiso dalkaaga, si loogu horumariyo adeegyada bulshada aasaasiga u ah.

Munaasabadda lagu furayey barnaaamijkaan waxaa ka qeybgalay ganacsato, macallimiin, maamulayaan, dhallinyaro, haween iyo madaxda ugu sarreysa ee maamulka Gobolka Hiiraan heer gobol iyo heer degmo.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado horumarka gobolka Hiiraan.

“Waa wax wanaagsan in  dalkaan la dhiso, waddooyinkaan la dhiso, inaan is baraarujinno waa muhiim, dadka ay maskaxdooda kasoo maaxatay arrintaanna waa wax wanaagsan, haddii qof walbo uu Hal doolar bixiyo waxaan hubaa in Baladweyne horumar gaareyso” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale waxgaradkii ka qeybgalay kulankaasi ayaa soo dhoweeyey barnaamijkaan, waxaana ay sheegeen in dalka ay kusoo dhiseen iskaa wax u qabso, waxayna bogaadiyeen in Hal doolar lagu bixiyo Horumarka gobolka Hiiraan.

“Waan sugeynay in Hiiraan u dhalan doonaan dad maskax leh oo waxqabad keenaya, annaga dalkaan waxaan kusoo dhisannay dalkaan iskaa wax u qabso, guryaha dowladda anaga ayaa dhisnay, maanta waxaan sii raacin lahaa Halka doolar xooggana hala raaciyo” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Odoyaasha dhaqanka ee Hiiraan oo halkaasi ka hadlay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo daah furay barnaamijka dhiso dalkaaga ayaa shacabka ugu baaqey in kaalin ay ka geystaan horumarinta gobolka, waxaana ka maamul ahaan uu meesha ka sheegay cadad lacageed oo barnaamijkaan ugu talo galeen.

“Maamulkeenna oo aan ku jirin kuwa degmooyinka waxaan isku soo qornay lacag dhan 3-kun oo doolar, walaalayaal xoogaa Soomaalida aaminkaa ka dhintey, waxaa dhacday in madaxtinimada loo raadsado in wax lagu boobo, wadadaasi waayo arag baan u nahaye waan ka leexaneynaa, annaga waxaan soo aragnay in lacag la’aan la noolaan karo laakiinse sharaf la’aan la noolaan karin, waxaan rabnaa inaan sharaf ku helno, amaanadiina waan idiin hayneynaa, dalkaan baan wax ugu qabaneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horreysay oo gobolka Hiiraan laga daah furo barnaamijka Hal doolar ku dhiso dalkaaga, waxaana barnaamijkaan oo kale uu ka hirgalay magaalada Muqdisho oo waddooyin waa weyn lagu dhisay.

Goobjoog News