U bood dhigaalka

Barnaamijka Isxilqaanka Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho

Sheeko:Dalka
 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daa-furay barnaamijka “Barnaamijka isxilqaanka” oo  kumannaan mutadawiciin ah oo la magac baxay ” xoogagga waddaniyiinta” hormuud ka yihiin, waxaana  laga hirgeliyey Gobolka Banaadir, isaga oo ka hadlayey waxaa uu bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska.

“Barnaamijkan isxilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.”

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka.

“In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.”

Goobjoog News