U bood dhigaalka

Barnaamijka Iyo Khudbaddii Ugu Qiimaha Badneyd Murashaxiinta Madaxweynaha, Akhriso Oo U Codee

Sheeko:Dalka

Illaa 23 Murashax Madaxweyne ayaa barnaamijkooda siyaasadeed ka hor sheegey Xildhibaannada labada aqal, waxaa sidoo kale daawanayey malaayiin Soomaali ah, oo ka marqaati kacaya ballan-qaadyadii ay sameeyeen.

Hadaba, Goobjoog News, waxa ay khritayaasheeda u soo gudbineysaa hadallada taariikhda u galay murashax walba, isla markaana laga yaabo iney  Xildhibaannada labada aqal ku doortaan 8-da bisha,

Maxaa Lagu dooran Doonaan Murashaxiinta?

Zakariye Maxamud Xaaji  oo Xildhibaannada la hadley waxaa khudbadiisa ugu muhiimsaneed in uu xoogga saari doono: Midnimada, Muwaadinnimada iyo dhismaha dowlad casri ah, isagoo intaa raaciyay in uu ku dadaali doono dhismaha ciidanka, dastuur tayo, cilmi iyo Tecknolojiyad, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowlada Itoobiya iyo Kenya oo sida uu sheegay  faragelin ku hayo Soomaaliya aaney na jebin Karin balse ay lugooyo wadaan.

Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna goobta ka jeediyay hadal gaaban, Shiiraar waxaa uu ka hadlay dagaal ay isaga iyo hogaamiye kooxeed kale la galeen kooxo uu sheegey iney ugu yeereen Gaalo balse sida uu sheegey hadda la ogaado cidda gaalada ah, waxaa uu Xildhibaannada ka codsadey iney ku doortaan aqoonta weji iyo Muuqaal ahaan ay u leeyihiin.

Jibril Ibrhaim Cabdulle oo sidoo kale xildhibaannada labada aqal ka hor hadley waxaa uu sheegey in uu xoogga saari doono amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, ka hortagga musuqa, arrimaha dhalinyarada, haweenka iyo xiriirka caalamiga ah, waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haweenka iyo dahlinyarada ay kaalin  ku yeelan doonaan dowladiisa,  in si cadaalad la helo oo la dhiso guddiyo iyo maxkamad dastuuri ah.

Xasan Sheekh Maxamud, waxaa uu xildhibaannada u sheegey in qabyo dhameystiri doono sida: Xasilinta dalka, Maqaamka Muqdisho, Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, dhameystirka Dastuurka iyo arrimo kale, isagoo sidoo kalae ballan-qaadey 3 arrin:  dhismaha hey’adaha amniga, Federalism-ka iyo Nidaamka siyaasad qarameed.

Saciid Cabdulahi Deni oo isna xildhibaannada ka hor hadley waxaa uu balla-qaadey in uu ku dadaali doono sareynta sharciga, nabadda, hagaajinta ganacsiga, sameynta rugta kallumeysiga, federalism-ka, midnimada, hoggaan iyo shaqo hufan, isla xisaabtan, la dagaalanka musuqa, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo ka hortagga shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Dr. Saciid Ciise Maxamud waxaa uu ku dheeraaday in uu wax ka qaban-doono arrimaha dimoqoraadiyadda, sinnaanta, cadaaladda, xuquuqda aadanaha, adeegga bulshada iyo difaaca dadka dulman, waxaa kaloo uu ballan-qaadey in uu ka shaqeyn doono kor u qaadista amniga, iskaashiga beesha caalamka, sameynta lacag, baasaboor iyo ciidan tayo leh, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in uu arko Soomaaliya oo heshay aqoon, magac, cadaalad iyo dimoqoraadiyad.

Sheekh Sharif Sheekh Axmed, waxaa uu xildhibaannada u sheegey in  uu wax ka qaban-doono arrimaha amniga, dib u heshiisiinta, dhameystirka garsoorka, dhameystirka dastuurka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha, wanaajinta xiriirka arrimaha dibadda, maamul wanaagga. Arrimihii ugu muhiimsanaa khudbaddiisa waxaa ka mid ahaa in uu dib u soo celin doono hanti uu sheegey in laga qaatey dalka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha tusaale ahaan waxaa uu soo qaatey caafimaadka, waxbarashada iyo deegaanka.

Dr. Cabdinasir Cabdulle waxaa uu ballan-qaadey wax ka qabashada xasillinta dalka, dib u heshiisiinta, garsoorka, adeegga bulshada, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga. Dr. Cabdinasir waxyaabaha uu murashaxiinta uga duwanaa waxaa ka mid ah: in uu furi doono xafiiska gardoonka, hey’ad madax banana oo cashuuraha qaadda, guddi dhiirigeliya maalgeshiga iyo in uu shaqo abuur u sameyn doono ilaa 500,000(nus Milya) qof.

C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa uu Xildhibaannada u sharaxey barnaamijkiisa isku tashi, waxaa uu ka hadley in Soomaaliya ay maamulaan dowlaha lacagta siiya, siyaasaddeena in ay ku xiran tahay isbadalka ka dhacaya bariga dhexe iyo in dalka ay wax walbo qabyo yihiin. Cabdiraxmaan cabdishakur waxaa uu dhaliilaey dowladda hadda jirta isagoo sheegey in ay heshiisyo dhismo, cashuur qaadis iyo mid nadaafad ay ku bixisey qaraabannimo isagoo isweydiiyey sida qabyo la dhameystirayo ku noqon karo qof wax ka qaban waayey  Xildhibaanno la dilay? Waxaa kaloo uu dowladda hadda jirta ku eedeeyay in ay magan galeen askari jiifa iyo dhagxaan.

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole): waxaa uu ka hadley in uu wax ka qaban-doono sugidda ammaanka, dhismaha xoogga dalka, nabad sugidda, mishaar bixinta oo joogta ah lagana qaadayo dadka, Waxaa Cabdiraxmaan Faroolle ballan-qaadyadiisa ka mid ahaa in uu in Mishaarka Xildhibaannada loo qeybin doono dowladda iyo dowlad goboleedyada, barakacayaasha, qaxootiga, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo wacyigelinta, isagoo ku dadaali doona sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunqabateynta hubka, dib u heshiisiinta qaran, soo noleynta hey’adaha amniga.

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees): waxaa uu sheegey in dowladdiisa iney noqoto kuwoo shaqeeya ee aan ka shaqeysan, dhowrista xuquuqda aadanaha, daryeelka dadka howl-gabka ah, naafada iyo agoonta ciidanka qaranka, in qiimo u yeeli doono shillinka Soomaaliga, in uu la dagaali doono xaalufinta deegaanka, dhirta, dhoofinta xoolaha, kallumeysiga sharci darada ah, in uu ku dadaali doono waxbarashada, caafimaadka, uruurinta cashuuraha iyo arrimo kale.

Cabdulahi Ciilmooge Xirsi: Cabdulahi Ciilmooge, waxaa uu sheegey in uu sameyn doono system, taasi uu sheegey in aaney ka jirin Soomaaliya, Ciilmooge waxaa ballan-qaadey in AMISOM uu kala hadli doono joogitaankeeda, ku dadaali doono midnimada dalka, sugidda ammaanka, dalka in uu ka fulin doono dib u dhis, waxaa uu sidoo kale sheegey in uu shacabka hubka ka dhigi doono iyo in uu mamnuuci doono shirkadaha gaarka ah ee hubka sita.

Cabdiqadir Cosoble Cali: Cosoble waxaa uu qabaa in dalka u baahan yahay hoggaan karti leh, oo la dagaalama musuqa iyo boobka hantida shacabka, Haddii uu guuleysto waxaa uu sheegey in uu wax badan ka qaban-doono adeegga bulshada, amniga iyo cadaaladda, sameynta garsoor qaran, daryeel ciidan, dhalinyrada iney qeyb ka noqdaan maamulka, dhismaha guddi garsoor qaran, dhismaha dhaqaale adag iyo wax ka qabashada bey’ada, sharciyo in uu u sameyn doono maalgeshiga, wax soo saar iyo warshado, waxaa kaloo uu ballan-qaadey dhismaha guddi run sheeg ee dib u heshiisiin, arrimaha dibadana wixii dan ugu jirto dalka, dadka iyo diinta.

Cali Xaaji Warsame: murashaxan waxaa uu ka hadley  khibradda uu u leeyahay maamulka iyo maareynta, sida uu u soo hogaamiyey dhaqaalaha Imaaraadka, shirkadda Golis iyo xitaa wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland oo uu sheegey in uu kacdoonka ka dheereeyay, waxaa uu kala saarey mas’uuliyadda madaxweynaha iyo wasiirka koowaad. Xaaji  waxaa uu balla-qaadey haddii la doorto in uu ilaalin doono sharciga, dastuurka, dhexdhexaadin siyaasadeedm, dhismaha dalka lin uu a kaashan doono dadka aqoonta leh, soo celinta xuquuqda iyo uruurinta maamullada.

Cali Xaaji waxaa uu xukuumadda fulin doontaa sida uu sheegey dhismaha ciidan ku dadaala in AMISOM ay dalka uga baxdo 2 sano gudahood,  adeegga bulshada, in dhalinyarada laga hor istaago iney baxaan, waxbarasho, dhismaha guddi la dagaalo musuqa, iney awood yeeshaan hanti dhowrka iyo xisaabiyaha guud, xildhibaannada waxaa uu kula taliyey in ay doortaan qofkii ay u arkaan in uu dalka anfacaayo, ee aan qofka lagu dooran lacagta uu heysto, waxaa uu ka hadley maqaamka caasimadda iyo in uu ka dhigi doono magaalo bilicsan oo dadka oo dhan ka dhaxeysa isagoo ballan-qaadey in haddii la doorto aanu isa soo sharixi doono mar kale.

Cumar Cabdirashadiid Sharma’arke: Sharma’arke waxaa uu dhaliiley joogitaan-ka AMISOM ee 60% ay joogaan 300 KM wax yar, waxaa uu ballan-qaadey in wax badan ka qaban-doono arrimaha Banii’aadamnimada, Dhaqaalaha, Kheyraadka qeysbiga, Siyaasadda arrimaha gudaha sida cadaaladda, sinaan, midnimo, wada tashi iyo wax wada dhisid ku saleysan iyo siyaasadda dibadda oo ixtiraam iyo qadarin salka ku heysa. 

Dr. Maxamud Maxamed Culusow: waxaa uu qabaa in uu dalka ku hogaamin doono hoggaamin dastuuri ah, isagoo soo qaatey in uu ciidamada dhisi doono, in aanu ku xadgudbi doonin dastuurka, in Xildhibaan walba uu ku gacan siin doono in uu wax u qabto deegaanka uu ka soo jeedo, in uu sameyn doono maamul wanaag ku saleysan siyaasad, hadaf, dhaqaale, maamul, ciidan iyo tababar. Ugu damneyntii waxaa uu Dr. Culusow Xildhibaannada ka dalbadey iney ka fogaadaan cod iibsi, in xildhibaanka lacag lagu heli karo isagoo sheegeyn iney jiraan dowlado u ololeynaya murashaxiinta qaar, waxaa kaloo uu Xildhibaannada u sheegey in ay ka fogaadaan Murashaxiinta isku eedeynaya qiyaamo iyo dhaxal wareejinta ee ay doortaan dad nadiif ah.

Maxamed Axmed Jabarti: oo goobta ka hadley waxaa uu sheegey in lagu doorto Soomaalinnimo, Aaminaad, Run sheeg iyo Qabyaalad  la’aan. Jabarti waxaa uu soo qaatey in wax walba ku dhameyndoono wada xaajood, cadaalad, dhismo ciidan, waxaa uu ka hadley in Maaliyadda Soomaaliya  min wasiir illaa waaxyaha hoose uu u magacaabi doono haween, waxaa uu sidoo kale ballan-qaadey dhismaha ciidan tayo leh, in Xildhibaannada uu xajka geyn doono iyo in 330 ciidan oo tababaran uu u shaqaaleynsiin doono iyo Xildhibaannada qof ay wataan uu Jaamacad ka dhiibi doono.

Maxamed Cabdulahi farmaajo oo goobta isna ka hadley waxaa uu soo qaatey in dalka ay dib u dhigeen dowlado murashax wata, saxiixayaal iyo madal booska baarlamaanka gashay, mishaar la’aan, mooshi dumin iyo dhisme ah, safarro madaxweynaha ah oo waqti iyo hanta lumin ah iyo amni ay cid kale mas’uul ka tahay, isagoo ballan-qaadeyn in waxaasi wax badan ka qaban-doono, haddii la doortana aanu xiriri doono jidadka.

Farmaajo waxaa uu wax badan ka ahadley dhismaha ciidanka qalab-ka sida, xuquuqdooda, isku dhafkooda,dhismaha sirdoonka iyo in uu lacag siin doono ilaa 100,000$ ciddii hey’adaha amniga la shaqeysa,  waxaa uu ugu dambeyntii ballan-qaadey la dagaalanka Musuqa, in uu noqon doono odey Soomaaliyeed, wax bandanna ka qaban doono dib u heshiisiinta, dowlada wanaagga horumarin doono isagoo dhalinyarada iyo haweenka baarlamaanka ku jira ka codsadey iney doortaaan.

Maxamed Nur Cali Ameriko: waxaa uu sheegey in haddii la doorto uu gacan siin doono dadka dan yarta ah, uuna yareyn doono farqiga taajirka iyo faqiirka, waxaa kaloo uu ballan-qaadey in laga maarmi doono gargaarka iyo deeqaha shishiiye,  in ciidamo gaar ah Muqdisho ka shaqeyn doonaan, dib u heshiisiin iyo iscafis, garsoor madaxbanaan iyo in uu sameyn doono lacag shillin ah Soomaali ah oo qiimo badan.

Maxamud Maxamed Tarsan: Tarsan waxaa uu ballan-qaadey in uu dhisi doono ciidan tayo leh iyo sirdoon waxtar leh, ilaa 20,000 ciidan, askariga in uu qaadan doono $300, halkii askari in uu qaadan doono 4 joog oo dhar ah, 2 sano gudahood in uu yareyn doono 50% AMISOM, dhalinyarada in uu shaqo abuur u sameyn doono, in lacag badan u qori doono hey’adaha garsoorka iyo maxkamadaha iyo arrimo kale.

Maxamed Cabdirisaq: ayaa isna xildhibaannada la hadley waxaa uu sheegey in uu xogga saari doono xushmeynta dastuurka mar haddii uu noqonayo “Head of state” , isagoo intaa raaciyay in uu ka shaqeyn doono midnimada, dib u heshiisiinta, la dagaalanka musuqa, waxaa uu dhaleeceeyay in dowladda Itoobiya noqotey dowladda dhexe, waxaa kaloo uu sheegey in la faa’ideysan doono xoolaha, shidaalka oo Soomaaliya uu sheegey iney ku jirto 7bada dale e ugu shidaalka badan.

Xaaji Maxamed Yaasin: ayaa  sheegey in uu yahay ninka ugu lacagta badan murashaxiinta, uguna caruurta badan waxaa uu ballan-qaadey in uu dalka ku xukumi kitaabka ilaahey, isagoo dastuurka ku sheegey mid shaqadiisu tahay kala maareyn,Waxaa uu Xaajiga la yaabey Xildhibaanno dhahaya waxaan ku jirnaa kutlo, xisbi ama koox gaar,, isagoo Xildhibaannada tusey khariidadda Soomaaliya, sheegana in uu wax badan ka qaban doono shaqo siinta dhalinyarada oo marka la isku daro kalluunka, beeraha ay gaari doonaan ilaa 500,000 oo dhalinyaro ah oo ka shaqeyn doonta mid Raaskaambooni ilaa Zeylac.

Waxaa sidoo kale xildhibaannada ka hor khudbeeyay Axmed Maxamed Cabdi Malaadiin oo ka tirsan sirdoonka Imaaraadka, ninkan waxaa uu sheegey in uu xoogga saari doono dhismaha ciidan amni iyo mid mukhaabaraad oo tiro yar.

Hadaba, haddii aad ka heshay mid ka mid ah barnaamijyada iyo khudbadaha murashaxiinta, fariin noogu soo dir, Emailka hoos ku qoran.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Email: [email protected]