U bood dhigaalka

Barnaamijka Kobcinta Dhaqaalaha Dalka (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay xoojiso dhaqaalaha waddanka si dalku uu u gaaro isku filnaansho ,sidoo kale dowladda ayaa sheegtay inay diiradda ay saari doonto kobaca dhaqaalaha beeraha, kalluumaysiga iyo xoolaha.

Sida ku cad qorshaha xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha dalka .

Hadaba arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mida aqoonyahannada dhanka dhaqaalaha waxaana ka mid ah aqoonyannada la hadlay Goobjoog News, Cabdullaahi Maxamed oo isagu bartay cilmiga dhaqaalaha waxa uu ka hadlay awoodda ay dowladda u leedahay inay kobciso dhaqaalaha waddanka iyo sida ay ku suurtoobi karto.

”Dalka dhaqaalihiisu waxa uu ku dhisanyahay xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga, Saddexdaas qeybood dowladda ma maamusho gacanteedana kuma jiro marka uma suuro galayso inay sameyso dhaqaalo kobcin, iyadoo oo intaas gacanta ku dhigin “

Kaalmada kaga timaado dibadda ayaa qeyb ka ah ilaha lagu kordhin karo dhaqaalaha waddanka taasi oo suuroobayso hadii si wanaagsan loo maamulo sida uu qabo Axmed Cabdulqaadir oo ah nin ka faalooda arrimaha dhaqaalaha

”Kaalmo waa la helaa,wadamada burburay sida Soomaaliya oo kale ah way helaan kaalmo “.

Masuqmaasuqa ayaa qeyb ka ah sababaha hortaagan in dhaqaalaha waddanka uu sameeyo kobac,iyadoo Soomaaliya ay dhowr jeer oo badan ay kaalimaha hore ay ka gashay wadamada ugu musuq maasuqa badan waa kan mar kale Cabdullaahi Maxamed oo ka hadlaya saameynta uu ku leeyahay musuqmaasuqa horumarka dhaqaalaha waddanka.

”Qofkii dowladda wax siin lahaa waxa uu aamisanyahay in waxa laga qaaday ay shaqsi jeebkiisa ay ku dhacayso, musuqmaasuq markaad maqashid ma ahan kaliya lacag, si looga gudbo musuqmaasuqa waa in la badalo sharuucda ay dowladda ay ku shaqeyso”.

Si waddanka uu u gaaro horumar dhaqaale isku finlaasho waa in la raacaa talooyinka ay ka midyihiin in laga shaqeeyo nabadgalyada waddanka taasi oo caqabad weyn ku ah inuu kobco dhaqaalaha waddanka,in la hagaajiyo beeraha iyo xoolaha maadaama ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan oo uu leeyahay dalka ay yihiin.

Tallaabooyinka wanaagsan oo lagu kobcin karo dhaqaalaha waddanka waxaa mida in dadka soo qaxaya dib loogu celiyo deegaannadoodii,si ay uga qeyb qaataan shaqooyinka waddanka looga baahanyahay .

W/D:Axmed Daahir.

GoobjoogNews