U bood dhigaalka

Muuqaal: Barnaamijka La Dagaallanka Musuqa Iyo Hiigsiga dowlad Wanaag

Sheeko:Dalka

Musuq-maasuqa waa dhaqan guracan oo siyaabo kala duwan ugu baahsan dowladaha horumaray iyo kuwa soo koraya intaba wuxuuna cadow ku yahay horumarka iyo deganaanshaha bulshada.

Musuqa waxa uu wiiqaa awoodda dowladnimo ee jirta iyo midda maamul wanaagga ah, tobankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxay kaalinta  Koowaad ay uga jirtay dowladaha ugu musuqa badan dunida sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Daah furnaanta, taasi oo caddeyn u ah in siyaasadda Soomaaliya ka jirta aysan ku salaysnayn u adeegista danaha bulshada, arrintaasi waxay saameyn xun ay ku yeelatay horumarka Siyaasadda waddanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in cadowga dowladda uu yahay musuqa waxa uuna sheegay in haddii musuqa laga guulaysto ay Soomaaliya cagta saari doonto wadada guusha iyo horumarka.

”Waxa ugu horreeyo hadaan rabno nolol inaan la dagaalanno waa musuqa, Musuqmaasuqa waa cadowga dowladeed iyo midka siyaasadda” ayuu yiri madaxweynaha

Musuqa ugu badan ee Soomaaliya ragaadiyay tobankii sano ee u dambeeyay ayaa waxay sheegaan dadka la dagaallama musuqa inuu yahay midka dhanka maamulka, kaasi oo gabi ahaamba ku baahay qeybaha kala duwan ee xarumaha dowladda balse kuma koobno musuqa ilahaasi oo kaliya .

Waxaa jira nuucyo kale oo loo adeegsado dhanka musuqa kuwaas oo ay ka mid yihhin daqliga iyo qandaraasyada dowladda oo intaba caqabado ku ah hanaanka dowladnimo .

Maxamed Mubaarak waa madaxa hay’adda Marqaati waxa uu ka waramayaa musuqa iyo qeybahiisa.

“Musuq-maasuqa dalka ka jira waxa uu u badanyahay nuucyo la arko iyo kuwo aan la arkin,midka muuqdo waa mid maalin walba dhaca sida in laleexsado kaalmada la siiyo dowladda in been abuur laga sheego shaqada ay dowladda qabato, waxaa jira musuq maasuq ku saabsan dhanka shaqaalaysiinta shaqaalaha sida nin jeclaysi “.

Musuqyada ka jira dalka waxaa sii quudiyay in si xun loogu takri falo hantida shacabka iyadoo taasi ay meesha ka saartay daah-furnaan iyo isla xisaabtan ugu dambeyna dhalisay in kalsoonidii uu shacabka uu ku qabay dowladda ay meesha ay ka baxdo Bashiir Cabdulqaadir waa bare Jaamacadeed waxa uu ka hadlayaa musuqa.

”Tusaale ahaan darraad waxaa la yiri la dagaalanka musuqa waxaan ka bilaabeyn wasiirada inaan ka aruurinno ama aan weydiinno hantida ay leeyihiin,su’aasha taalo waxaa waaye 26 sano annaga waxaan ku soo jirnay musuq iyo dowlad xumo”.

Si  loola dagaallamo  musuqa loona soo celiyo kalsoonida shacabka ee luntay waxay xukuumadda ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku dhawaaqday qorshe ay kula dagaallamasyo musuqa ra’iisulwasaaraha oo arrintaasi ka hadlayo waxa uu yiri.

“Sida uu ballan qaaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,waxaa dhaqan galin doonaa nidaam hufan oo si adag ula dagaallami doonnaa falalka keeni kara musuq-maasuqa iyo maamul xumada,waxa aan ballan qaadi doonaa qofkii lagu helo falal musuq-maasuq ah in laga qaadi doono tillaabo sharci ah mana jiri doono haddii uu ilaahaay idmo shaqsi sharciga ka sarreeyo”.

Sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya qodobkiisa 111-aad  waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso guddi madaxbanaan oo baara eedeymaha ku saabsan musuq-maasuqa cidii lagu soo eedeeyo,guddigaan oo awood u yeelan kara inay xayiraad ku soo rogaan isla markaana hantida uu kala wareego cid walba oo lagu eedeeyo falalka foosha xun ee musuqa.

Dhanka kale sida ay xukuumaddu ay u hesho kalsoonida shacabka waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan hay’adaha dowladda ay astaan u noqdaan ku dhaqanka dowlad wanaagga oo ku salaysan hufnaan,daacadnimo iyo daah-furnaan .

Waxaa shaki ku jirin in hay’adaha dowladda aysan ku sifooyin Karin astaamaha maamul wanaagga mar hadii aysan jirin qorshe cad iyo tallaabooyin lagula dagaallamayo musuq-maasuqa,eexda iyo ku takri falka hantida qaranka,taasi waxay ku imaan kartaa in dowladda Soomaaliya ay baabi’iso wax yaabaha keenaya musuqa iyo dib u dhaca horumarka dalka kuwaas oo ay ka midyihiin ama ay ugu horreyso qabyaaladda.

Goobjoog News