U bood dhigaalka

Kornayl Barre Hiiraale oo ogolaaday ka qayb galka shirka maamulka KMG Jubba

Sheeko:Dalka

Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in maalmaha soo aadan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose uu gaari doono Barre Aadan SHire (Hiiraale) kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen wafdi ka socda xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Xasan Xareed oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadalada ay kula jiraan Barre Hiiraale.

Waxa uu carrabka ku dhuftay Xasan Xareed in hada magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin saraakiil  ka socotay Barre Hiiraale, kuwaas oo uu tilmaamay in nabada ay qaateen.

Maalinimadii shalay ayay ahayd markii deegaanka Goob-Wayn ay gaareen wafdi ka kala socda xukuumadda Federalka Soomaaliya oo uu hor kacayay wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Goodax Barre iyo urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayay danjire Maxamed Cabdi Afey , iyagoo markii halkaasi ay gaareen  kulan la qaateen Kornel Barre Aadan SHire Hiiraale iyo saraakiisha xulafada la ah ee ku sugan deegaanka Goob-Wayn

Barre Hiiraale ayaa ogolaaday in uu qayb ka noqdo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) kadib markii ay kulamo saacado qaatay la yeesheen wafdi ka socday urur goboleedka IGAD iyo dowladda. Hiiraale ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu tunka waynaa ee sannadkii hore dagaalku ku dhex maray Axmed Madoobe gudaha Kismaayo.

Dad badan ayaa saadaalinaya in siyaasadda gobolada Jubbooyinka  ay wax badan  ka bedeli karto marka laga soo tago sheegashadii sannadkii la soo dhaafay ee ahayd in uu yahay madaxwaynaha Jubooyinka iyo Gedo.

Hoos ka dhageyso codka Xasan Xareed: