U bood dhigaalka

Barri Oo Laga Soomayo Soomaaliya iyo Guud Ahaan Dnida  Muslimka ah

Sheeko:Dalka

Maalinta barrito oo ah maalinimo  Isniin ah ayaa laga Soomayaa iyo dunida Muslimka ah ka dib markii bisha Ramadaan cawa laga arkay gobalada qaar ee dalka iyo inta badan dunida muslimka ah.

Madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxweynaha, Raiisalwasaaraha iyo gudoomiya golaha shacabka ayaa si is ku mid shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo barriito ay tahay maalintii koowaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Maxamednaha ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda.

Sidoo kale Raiisal wasaaraha Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu hanbalyeeyay dhamaan dunida Islamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan,

“Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan,

Dhanka kale  gudoomiyaha golahaa shacanka BJFS  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu hambalyeeyay dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed Dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan,waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay mar walba midnimo muujiyaan sidoo kalena ay gar gaaraan dadka caawinta u baahan.

”Dhamaan waxaan u hanbalyeeynayaa Umadda Muslimka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay adduunka ka joogaan bilashada bisha Ramadaan,Umadda Soomaaliyeed meelwaliba ay addunka ka joogaan waxaan ugu baaqayaa iney ayagu is gargaaraan.

Goobjoog News waxa ay aqristayaasheeda iyo shabcabka Soomaaliyeed ay ugu hanbalyeeyneysaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Goobjoog News