U bood dhigaalka

Barta Ugu Kulul Jirka Aadanaha oo La Helay

Sheeko:Caafimaadka

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Paris ayaa helay xubinta ugu heerkulka badan  jirka aadanaha uu kulkeedu gaarayo 500C, waa mitochondria oo ah halka ay tamarta ka heleen dhammaan unugyada nool ee jirka aadanaha.

Illaa iyo wakhti dhow waxaa loo haystay in kuleyl heerkaa le’eg  aaney suurtogal ahayn in jirka aadanaha gudihiisa laga helo. Dhammaan naasooleyda waxay isku heerkul ka yihiin beerka, maskaxda iyo xubnaha kala duwan ee gudaha jirka, marka laga reebo iniinta xiniyaha ragga oo iyadana heerkulkeedu aanuu dhaafsiisnayn 340C.

Cilmibaarayaashan ayaa qiyaasay heerkulka xubnaha kala duwan ee jirka, iyadoo daraasaddan ay suurtogal ka dhigay milanka Fluorescence oo shucaaca uu bixinayaa ay kala duwan tahay heelkul kasta, noocan cusub ee halbeegga heerkulka ayaa lagu ogaaday in mitokondria heerkulkiisu gaarayo 500C.

Saynisyahandan ayaa aaminsan in daraasaddan si heersare ah isaha loogu hayo, maadaama ay suurtogal ka dhigi karto iney wadada u furto fahamka habka aadanaha uu kansarku ku qaado iyo in la ogaado waxa ay ku tiirsan yahay gabowga degdegga ah ee aadanaha qaar ku yimaadda.