U bood dhigaalka

Bashiir Jeenyo“Kooxda Jeenyo Waa Kooxda Kaliya Ee Soo Saarta Ciyaartooyda Ugu Tayada Badan Dalka”

Sheeko:Cayaaraha

Bil ayaa iminka laga joogaa  markii uu tababare Axmed Tahliil Cali la wareegay hogaaminta kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo waxaa soo baxayo horomaro iyo is badal uu ku sameeyay safka kooxda oo isu diyaarinaysa ka qeyb galka tartamadda maxliga gudaha.

Dhamaadka bishii hore December 2018 Kooxda Jeenyo ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho caasimada Muqdisho kula ciyaartay xidigaha Som United oo ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden,iyagoo dalka u yimid in ay kulamo saaxiibtinimo la dheelaan kooxaha kubbada cagta ee ka dhisan gudaha.

Hadaba Tababare Axmed Tahliil Cali maxaa ku kalifay in uu xiligan uu hogaamiyo kooxdiisa oo waqtiga wanaagsan kusoo qaatay,isagoo ciyaaryahan ah waa sidee hamigiisa fog ee xirfada macalinimo.

Macalinka kooxda kubbadda cagta Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa qaba aragti ah hadii ay waqti badan isla joogaan xirfadlayaasha iyo macalimiinta Jeenyo ay noqon doonaan kooxda ugu saameenta badan kubbadda cagta Soomaaliya.

Ismaaciil Suleymaan iyo Deeq Cabdiraxmaan Taree waa haldoorayaasha wanaagsan ee usoo baxay guulaha Jeenyo waxayna ka mid ahaayeen ciyaartooydii gaaray kama dambeysta tartankii bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018,Macalin Tahliil waxa uu ku rajo weenyahay in dhawaan uu saa saaro ciyaartooy  magac iyo sharaf u keena guulaha qaranka Soomaaliya.

“Jeenyo sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka tagay trio badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo si weyn ay jeclaayeen taageerayaashooda, balse iminka waxaa ii muuqanaysa rajo ah in ay kooxdo soo kabanayso waxaanse u rajaynaa in ay gaaraan hadafka ay lee yihiin”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid xidigihii usoo ciyaaray Jeenyo,sidoo kalane ahaa hogaamiyihii Som United.

Si kastaba falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa iyaga qodhooda qaba hadii macalin Axmed Tahliil Cali uu u helo waqti badan oo kooxdiisa u qaadidoono koobab badan maadaam uu horay wax badan Jeenyo ugu soo qabtay,isagoo ciyaaryahan  ah.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Is Badalka Kooxda Kubabdda Cagta L.L.P Jeenyo

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/752498161785985/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle