U bood dhigaalka

Bashiir Jeenyo“Waan Sugi La Ahay Kulanka Adag Ee Kooxaha Som United Iyo L.L.P Jeenyo”

Sheeko:Cayaaraha

Bashiir Cilmi Maxamed oo ka mid ahaa laacibintii ugu wanaagsaneyd ee dalka soo maray iminkana ah madaxa wafdiga kooxda kubbadda cagta Som United ee maal mahan caasimada Muqdisho u joogta ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ayaa sheegay in uu sugi la yahay kulan adag ee labada dhinac.

Waan ku faraxsanahay in sanadka sii dhamaanaya ee 2018 aan caasimada u imaado horomarin iyo is dhaxgal bulsho waxaan sugi la ahay kulanka adag ee dhex maridoona ciyaartooyda Som United iyo L.L.P Jeenyo ee aan horay ugu mid ahaa dadkii kusoo baxay dibna usoo nooleeyay”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Bashiri Cilmi Maxamed Bashiir (Jeenyo).

Tariikhda Ciyaareed Bashiir Jeenyo Oo Kooban

Bashiir Cilmi Maxamed,wuxuu ku dhashay Xamar dagmada wardhiigley 1955kii.wuxuu ku barbaaray Xamar wuxuuna ciyaarta kubbadda cagta ku soo biiray 1969kii,isagoo u saftay kooxda Xamar jadiid qaybta(B)wuxuu uga tallaabay kooxaha waaweyn qaybta (A) wuxuu u saftay kooxada(KAYD) 1970kii wuxuuna xiligaas soo bandhigay ciyaar iyo farsamo heer sare ah 1971 waxa uu ka mid noqday LL.PP Jeenyo.

Bashiir  waxaa loo magacaabay Xulka Qaranka 1973kii wuxuuna ka qayb galay ciyaaro fara badan oo ka dhacay dalalka Ugaandha, Tansaaniya, Abuu Dabay, , Liibiya, Burundi iyo Kiinya ,wuxuu ciyaaray 22 ciyaarood oo rasmi ah wuxuuna ka mid yahay ciyaaryahannada waaweyn ee dalkeena.

31-October 2016-Jeenyo ayaa ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud waxayna kulankii fiinalka la ciyaartay kooxda Banaadir SC oo iminka loo bixiyay Muqdisho City Club kulankaas ayaa natiijo ahaan ku dhamaaday 2-2,balse gool ku laadyo ama (Penalties) waxaa koobka ku hantay wiilasha L.L.P Jeenyo oo waqtigaa hogaaminayay tababare Salaad Faarax.

Bashiir Cilmi Maxamed Jeenyo ayaa waqtigaa usoo diray dhambaal hambalyo oo sidan u qornaa“Waad mahadsantihiin maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha L.L.P waan ku faraxsanahay koobkaas qiimaha badan ee aad ku guulaysteen waxaan idin lee yahay horay u socod wanaagsan ana waxaan ahay garabkiin waqti walbo oo la ii baahdo”

Kulanka u dhaxeeya kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa ah mid xiiso gooni leh maadama taageerayaasha kooxda ay isha ku hayaan layliyahooda cusub Axmed Tahliil Cali oo horaynaa u ahaa kabtankeedii.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle