U bood dhigaalka

Baxreyn: Soomaaliya Abaal Ma Leh, Waxaa Ayna Ku Hoos Jirtaa Cadawga Umadda

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn ayaa weerar afka ku soo qaaday Soomaaliya isaga sheegay in Muqdisho tahay abaal laay, cadawga umadda hoos jiifta.

Khaalid Bin Axmed Aala Khaliifa oo madax ka ahaa wasaaraddaasi tan 2005-tii, waa wasiir arrimo dibadeedkii 2aad ee Baxreyn yeelato taariikhda dalkaasi yar.

Khaalid oo ay ka muuqato inuu la saftay Imaaraadka waxaa uu leeyahay Imaaraadka wax badan ayey u qabteen Soomaaliya “Imaaraadka waa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dowli ah, oo madaxweynaha ka soo qeyb-galay, waxaa ay Soomaaliya ka taageertay burcad-badeedda, waxaa ay gudatay waajibka, waxaa ay siisay lacag, hub iyo daawo”.

Dhinaca kale, Khaalid Bin Axmed Aala Khaliifa wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan abaal laheyn, oo cadawga umadda ku soo jira, isaga oo aan sheefgin cadawga uu ula jeedo “Soomaaliya waxaa ay ku jawaabtay abaal fur, xumeyn iyo in ay hoos gasho cadawga umadda”.

Goobjoog News