U bood dhigaalka

Baydhaba oo maanta la filayo in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonur Galbeed ee Sedaxda gobal, xilli dowladda Soomaaliya ay soo saartay qoraal lagu hakiyay shirkaasi.

Xilkaan waxaa u tar tamaaya il Shan Musharax, waxaana wax dooran doona Odayaashii mudooyinkaan shirka uga socda Baydhaba.

Musharaxiinta xilkaasi u taagan ayaa kala ah.

  1. Shariif Sheekh Aadan
  2. Siyaad Sheekh Daahir
  3. Maxamed Xassan Cadoow
  4. Maxamed Xassan Faqi
  5. Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan

Dowladda Soomaaliya waxay amar ku bixisay in la hakiyo shirka ka socda Baydhaba oo maanta doorashadiisa dhacayso, hase ahaatee gudiga farsamada ee maamulkaasi waa ay ka madax adeegeen taasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeen.

Goobjoog News