U bood dhigaalka

Baydhabo: 3 Qodob Oo Ay Xalay Ku Dhafreen Madaxda Shirka Amniga Qaranka

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii 2aad magaalada Baydhabo ka socda shirka amniga qaranka, haddaba Goobjoog News ayaa xiriirro la sameysay wufuudda shirka ka qeyb-galeysa si loola socda halka ay xaaladda mareyso.

Arrinta Amniga: Shalay oo dhan shirka waxaa laga hadlayey oo weliba lagu heshiiyay arrimaha amniga qaranka iyada oo laga wada hadlay dhismaha iyo isku dhafka ciidamada, mushaarka, la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, qoondada lacagaha miisaaniyadda iyo mushaaraadka, in maamul goboleedyada la xoojiyo, laguna taageero hub iyo tababar iyo arrimo kale.

Ilo ku sugan shirka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay  in xalay lagu dhafray 2da arrin oo kala ah: Kheyraadka iyo doorashooyinka.

Kheyraadka: Inta badan arrimaha Kheyraadka waa lagu heshiiyay oo waxaa horay uga soo shaqeeyay guddi-hoosaadkii loo saaray, laakin waxaa saacado badan qaatay “Yaa bixinaya Licences-ka shirkadaha caalamiga ah”, dowladda federaalka ah waxaa ay qabtaa in looga dambeeyo halka maamul goboleedyada ay soo-jeediyeen in la dhiso guddiyo arrimahan Licences-ka ka shaqeeyo, sida guddiga  shidaalka qaranka,  oo uu ka koobnaado 2 xubnood oo dowladda ah iyo mid hal xubin oo maamul goboleedyada ah iyo xubin maamul ah, dood dheer  kadib waxaa ay dowladda federaalka ah ku adkeysatay xataa haddii guddiga la dhiso in wasaaradda loo daayo saxiixa iyo go’aan ka gaarista kama dambeysta ah.

Doorashada: Arrinta kale ee muddo dheer laga doodayey waa doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-ka, madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay ku adkeysteen sida ballanta aheyd in 4.5 laga baxo, oo ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, laakin 2 ka mid ah dowladaha maamul goboleedyada waxaa ay ku doodeen in aaney doorasho noocaas ah dhici Karin, oo uu amniga aad u liito, oo ergadii 2016kii weli la dilayo, oo aanay macquul aheyn in doorasho noocaas ah la galo.

Shirka amniga qaranka waxaa la soo gebagabeyn-doonnaa maanta gelinka dambe, war murtiyeedka iyo wixii ku soo kordha, halkan nagala soco.

Goobjoog News