U bood dhigaalka

Booliiska Oo Shacabka Uga Digey Qaraxyo Ka Dhaca Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee maamulka K/galbeed ayaa uga digay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iney ka feejignaadaan qaraxyo ay sheegeen in Al-shabaab ay doonayaan iney ka fuliyaan magaaladaasi.

Mahad C/raxmaan Aadan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ka war heleen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la doonayo in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay in shacabka laga doonayo iney iska dhaafaan laamiyada ay fariistaan, sidoo kale ay ka tagaan maqaayadaha ay horfariistaan, isaga oo tilmaamay in la mamnuucay gaadiidka la dhigo hareeraha waddooyinka.

“Maalmaha aan hadda ku jirno waxy cadowga umadda waxay ku jiraan diyaar garow ay rabaan iney shacabka ku dhibaateeyaan gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ay rabaan in shacabka masaakiinta ah waxyeello u geystaan, waxaana shacbka uga digeynaa iney hor fariistaan baararka, sidoo kale waa mamnuuc gaadiidka la dhigayo hareeraha waddooyinka” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale taliye Mahad ayaa sheegay in gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta aan loo ogoleyn iney istaagaan faras magaalada Baydhabo gaar ahaan Afar Irdoodka iyo sidoo kale Baar Ismaaciil ee magaalada Baydhbo.

Taliska Booliiska K/galbeed ayaa dabayaaqada sanadkii 2016, sidan oo kale waxay uga digeen qaraxyo ay sheegeen in la doonayo in laga fuliyo magaalada Baydhaba.

Goobjoog News