U bood dhigaalka

Baydhabo: Booliska Oo Mushaar La Siinayo

Sheeko:Dalka

Taliyaha booliska gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay in si rasmi ah ay u billaabi doonaan bixinta mushaarka ciidanka booliska ee ku sugan degaannada gobolkaasi.

Hadalkani oo uu ka sheegay munaasabad lagu weyneynayay maalinta ciidanka booliska oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin isugu jira dowladda iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka ciidanka booliska Soomaaliyeed ee gobollada Koonfurta galbeed waxaana laga jeediyay hadallo u badan kuwa bogaadin iyo ammaan ah oo Booliska loo jeedinayay.

Taliyaha booliska gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay u baahan yihiin helitaanka xuquuqda ay dowladdu ku leeyihiin iyagana laga doonayo inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda.

Ciidamada ayuu sheegay in maantaba laga billaabo ay isku howlayaan bixinta mushaaraadka, isagoo dhanka kale ka hadlay howlgallada ciidanku wadaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka islamarkaana laga feejigan yahay weerar kasta oo Alshabaab damcaan inay ka fuliyaan magaalada Baydhabo iyo degaannada kale.

Ciidanka Booliska ee gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in aynaan wax mushaar ah helin muddo lagu sheegay siddeed bil arrintaasoo habsan gelisay meelaha qaar shaqadii askarta booliska ee nabadgalyada iyo xasilinta degaanka.

Goobjoog News