U bood dhigaalka

Baydhabo: Booliska Oo Walxo Qarxa Qabtay

Sheeko:Dalka

Taliyaha booliska gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Col. Mahad Cabdiraxmaan oo ka hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay wadaan howlgallo lagu la dagaallamayo falalka amni darro iyo dadka ku howlan falalkaasi.

Wuxuu sheegay in booliska Koonfur Galbeed ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo ammaanka magaalada Baydhabo.

“Ciidamada waxaa u suurtagashay inay qabtaan walxo qarxa oo la doonayay in Baydhabo lagu waxyeelleeyo, waad la socotaan khasaarihii ka dhashay qaraxii u dambeeyay ee cadowgu ka geystay Baydhabo” ayuu yiri taliyaha booliska.

Dhanka kale, taliyaha booliska gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dad ay uga shakisan yihiin inay ka qeyb qaataan falalka amni xumo, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada dadka ay hayaan.

Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa hoosta ka xariiqay in Alshabaab ay damacsan yihiin in weerarro ay ka fuliyaan degaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Degaanka Buulafulaay oo hoostaga Diinsoor ayaa shir ay ku yeesheen saraakiisha Alshabaab waxaa ay isku raaceen in culeyska la soo saaro degaannada Koonfur Galbeed laakiin waan iska celineynaa” ayuu yiri Col. Mahad Cabdiraxmaan.

Taliyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay ka taxadaraan falal Alshabaab ka geystaan Baydhabo iyo degaannada ee Koonfur Galbeed isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Degaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaa maamusha Xarakada Alshabaab kuwa kalena waxaa ka dhaca weerarro gaadma ah oo ay xilliyada qaar ka fuliyaan Alshabaab degaannada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News