U bood dhigaalka

Baydhabo: Cabashada Ay Qabaan Siyaasiyiinta Oo Sii Kordheysa

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo magaalada Baydhabo ay weli ka socoto doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa waxaa barbar socda khilaafyo iyo cabashooyin shaqada doorashada ee socota.

Cabashooyinka ugu badan ayaa ah kuwa imaanaya siyaasiyiinta u cararaya xidlhibaannimo iyo sidoo kale qaar kamid ah ergada beelaha oo sheegaya in boosaskoodii dad kale lagu bedashay.

Illaa iyo iminka waxaa lagu doortay magaalada Baydhabo 49 xildhibaan waxaana tirada guud ee ka soo baxaysa ay tahay 69 mudane.

Salaad Cali Catoosh oo kamid ah guddiga doorashada heer federal ayaa Goobjoog News u sheegay in ka guddi ahaan ay la kulmeen cabashooyin badan oo ay qabteen guddiyada doorashada heer federal iyo heer gobol.

“Howl badan baa la kulannay iyadoo laga baaraandegayo inay dhacaan cadaalad darro iyo eex waxaana hadda inoo harsan wajiga seddexaad oo waxaa dhammaanaya wajiga labaad oo maraya 49 xildhibaan, xaqiiqiyan qof walba isaga ayaa xor ah horey ayaana loo sheegay sida ay ka qeyb galaan dad kalsoonida ku yar tahay ayaana iska maqan oo ka shakiya inay guuleysanayaan qaarkood telfoonnada ma naga qabtaan” ayuu yiri Salaad Catoosh.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay cabashooyinka beelaha iyo ergada ka imaanaya.

“Runtii umad Muslim ah ayaan nahay dadkii cadaalad darro sameeya Ilaahey baa la xisaabtamaya qofkii cadaalad darro lagu soo saaro meel fiican isna kuma gaarayo, laakiin hadda way jirtaa dacwooyinka yaalla waa kala duwan yihiin in dadka qaar ay cadaalad darro wax ku noqdeen oo xildhibaan sidaas ay ku  noqdeen” ayuu yiri mar kale Catoosh.

Dhanka kale, Maxamed Shuute Xuseen wuxuu kamid yahay mushariixiin maalintii shalay ka hor sheegay  guddiga doorashada iyo 51 ergo in uusan diyaar u ahayn in uu la tartamo musharrax Maxamed Cumar Dalxa oo shalay Xildhibaan noqday.

“Waxaan ahay musharrax beesha Hintire, waxaan idiin sheegayaa ergada beesha Hintire in la bedalay oo maanta markii la soo qaadi lahaa laga celiyay garoonka ergadaas waxaa 51 ku ahaa suldaanka, ninka musharraxa ahaa oo Dalxa ahaa in liis cusub uu soo qortay oo askartiisa ah iyo dad xaafaddiisa jooga” ayuu yiri Maxamed Shuute.

Marka laga yimaado cabashada ka imaanaysa Baydhabo waxaa sidoo kale cabashooyin sidaasi oo kale ah ay ka imaanayaan Kismaayo, Garoowe, Cadaado iyo Jowhar oo doorashada aqalka hoose lagu qabanayo inkastoo Kismaayo la soo gabagebeeyay.

Goobjoog News