U bood dhigaalka

Baydhabo: Dhallinyaro Si Iskood Ah u Bilaabay Qurxinta Magaalada

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka bilaabay Olole ay dib ugu soo celinayaan bilicda magaaladaasi.

Dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in si iskood ah ay u nadiifinayaan magaalada, waxaana ay hal ku dhig ka dhigteen u hiili dalkaaga oo qurxi magaaladaada.

Waxaa la arkayey dhallinyaradan oo wata qalabka wax lagu nadiifiyo, waxaana ay magaalada ka qaadayeen qashinka.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qaarkood tusaale wanaagsan waxaa u noqday Dhalinyaro si iskood ah isku xilqaamay kuwaa oo ku howlan sidii ay uga shaqeen lahaayeen qurxinta iyo nadiifinta magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Goobjoog News