U bood dhigaalka

Baydhabo: Howlgallo Culus Oo Socda & Gaadiidka Bajaajta Iyo NOAH Oo La Mamnuucay

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya howlgal aad u ballaaran oo ay sameynayaan ciidamada K/galbeed, kuwa dowladda federaalka iyo sidoo kale ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Warar goor dhow aan helnay waxay sheegayaan in ciidamadan ay galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaha magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in lasoo qabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay Al-shabaabnimo.

Howlgalladan ka socda magaalada Baydhabo ayaa ah kuwo aad uga duwan kuwii hore, waxaana la sheegay in howlgalkan uu daba socdo qaraxyadii 13 October ka dhacay magaaladaasi iyo cabsi ah iney jiraan xubno Al-shabaab ah oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

In ka badan 20 qof ayeey ciidanku kala soo baxeen guryahooda, kuwaasi oo la geeyey xarumaha baarista, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan K/galbeed.

Dhanka kale, waxaa muddo Labo cisho ah magaalada Baydhabo guud ahaanteedba laga mamnuucay gaadiidka loo yaqaan Bajaaj iyo sidoo kale NOAH.

Waxaa lagu wargeliyey dadka leh gaadiidkaasi ineysan banaanka usoo bixin, haddii kale lagala wareegi doono, ruuxa wadana xabsiga la dhigayo.

Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeynayaa, waxaana magaaladaasi dhowaan ka dhici doonta doorashada madaxweynaha K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News