U bood dhigaalka

Baydhabo, Jowhar Iyo Cadaado Oo Doorashada Aqalka Hoose Ay Ka Socoto

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado waxaa ka soconaya doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa qorshaha uu yahay in maanta lagu doorto illaa shan mudane oo baarlamaanka ka tirsanaan doono, kuwaasoo illaa iminka laga doortay hal mudane.

Magaalada Jowhar ayaa iyana maanta waxaa maanta qorshaha uu yahay in lagu doorto afar xildhibaan, waxaana weli meesha ka maqan ergada kursiga afaraad oo goobta aan tegin.

Dhanka kale, magaalada Cadaado ayaa la soo sheegayaa in la soo doorto labo mudane oo ergadooda ay fadhiso hoolka doorashada ee magaalada Cadaado.

Ugu dambeyntiina magaalada Garoowe ayaa la soo sheegayaa in doorashada aqalka hoose ay maanta ka socon halkaasi.

Maalmihii dambe gaabis ayay ku jirtay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka waxaana loo sababeynayaa in kuraasta qaar ay ka jiraan muran u dhaxeeya beelaha.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News