U bood dhigaalka

Baydhabo: Maamulka Lafta-gareen oo Bilaabay Ficillo Ka Dhan Ah Xuriyatul Qowlka

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Baydhabo ayaa sheegaya in maamulka madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen uu bilaabay cadaadis iyo ficillo ka dhan xuriyatul qowlka.

Todobaadkan gudihiisa waxaa la xiray dad aad u tira badan, waxaa kale oo la mamnuucay shirarka iyo in xisbiyada siyaasadda ka howl-galaan Koonfur galbeed.

Cabdiqaadir Barre Macalin oo ahaa weriye madaxbannaan oo horay uga soo shaqeeyey Radio Baydhabo,  Barkulan, Koonfur Galbeed TV iyo meelo kale ayaa la xiray, ilaa hadda lama sababta.

Liibaan Ibraahim Amiin oo ah wakiilka hey’adda Posos ayaa ka mid ah dadka todobaadkan la xiray, hey’adiisa waa NGO.

Xasan Macalin Isaaq oo horay u ahaa guddoomiyaha ku-xigeenka maaliyadda ee gobolka Bay ayaa isna la xiray arrimo aan la garaneyn.

Mustaf Ibraahim oo isna ahaa guddoomiye ku-xigeenka Baydhabo ayaa ka mid ah dadka u xiran maamulka  Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, waxaa la mamnuucay shirarka aaney ka warqabin maamulka ee ka dhacaya gudaha maamulka Koonfur Galbeed, Waxaa kale oo la mamnuucay xafiisyada xisbiyada ay ka furan lahaayeen gudaha maamulka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa falkaasi cambaareeyey isaga oo bartiisa Twitterka soo dhigay “Waa wax laga xummado sida loola dhaqmay saxaafadda Baydhabo. Dambiga kaliya ay galeen waa iney gaarsiyeen dadweynaha Soomaaliyeed war run ah oo dhacay ee tolow dadkii warramayne waa sidee xaalkooda. Allow Alle!

Goobjoog News