U bood dhigaalka

Baydhabo: Maamulka Oo Codsi u Direy Dhallinyarada

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa dhallinyarada ku dhaqan magaaladaasi ka dalbadey iney kala shaqeeyaan amniga guud ee magaalada.

Guddoomiyaha Baydhaba C/laahi Cali Maxamed oo maanta oo Khamiis ah saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin kuwa kaliya ee ka shaqeyn kara nabadda.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ugu baaqayaan in dhallinyarada ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska si loo helo amni ay dadka oo dhan ku wada seexdaan.

“Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Baydhabo waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, dhallinti waa kuwa kaliya ee nabadda ka shaqeyn kara, haddii ay Booliiska la shaqeeyaan waxaan hubnaa in amniga uu wax badan iska bedalayo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Arrintana ayaa imaaneysa xilli dhowaan heegan buuxa la geliyey ciidanka maamulka K/galbeed kadib markii taliska Booliiska uu sheegay in deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ay Al-shabaab qorsheeyeen iney ka fuliyaan falal amniga ka dhan ah.

Goobjoog News