U bood dhigaalka

Baydhabo: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Cambaareeyey Dil Wadareedkii Galkacyo

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha dowled gobaledka  Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Axmed Lafta gareen, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay falkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taas oo lagu dilay 10 ruux oo ka soo jeeda deegaanada  Koofur galbeed Soomaaliya.

“ Waa arrin aan ku fiicneyn Islaamnimada, Soomaalinimada, waa dhacdo soo socotay oo mar aan ahayn oo labo mar ah, maalin ka hor ayeey aheyd tii ka dhacday Dhuusamareeb tan kalane tii xalay dhacday ayey aheyd, runtii waana wax aad iyo aad looga xumaado in dad masaakiina oo la taacaamulaayo noloshooda in inta guryahooda loogu tagay lagu dilo”

Sidoo kale Madaxweyne Lafta gareen ayaa ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka deegaanadaas in ay baaraan sida ay wax u dhaceen dadkii danbiga galayna sharciga la hor keeno.

“ Maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, waxaan ka rabnaa oo uga fadhinaa labadii dhacdo oo Galmudug ka dhacday in ay naga soo siiyaan jawaab dag dag ah, dadkii falkaas geystay oo dadkaas masaakiinta ah dhibaateeyay in ay cadaaladda geeyaan”

Dhanka kale Maxweyne Cabdi casiis Lafta gareen ayaa xusay in laga rabo dadka reer Koofur galbeed in ay is dajiyaan, waxna ayna sameynin ilaa jawaab ay ka helaan Galmudug.“ Dadka reer Koofur galbeed oo dadkaas Ehelkooda ahaa waxa aan ka rabnaa inta baaritaanka uu socdo in ay is dajiyaan aan ogaano sidii ay wax u dhacen, wax kale inaan la sameynin”

Ugu danbeen Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa sheegay in guddi dag dag ah oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ay u diyaan deegaanada Galmudug, kuwaas oo soo ogaanaya sidii ay wax u dhaceen.

“ Waxa aan ku dhawaaqnay dag dag ah oo arrintaas ka shaqeynaayo, oo sida ugu dhaqsiyaha badan meesha u tagaayo, oo ogaanaayo meeshaas wixii ka dhacay oo isgu jiro Wasiiyo iyo Xildhibaano”.

Goobjoog News