U bood dhigaalka

Baydhabo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Kala Duwan Riddey

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxay xukunno kala duwan ku riddey askar ka tisarn ciidanka dowladda oo dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Seddexdaan askari ee maanta xukunka ay ku riddey maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Baydhabo iyo deegaanno ku dhow.

Mid kamid ah eedeysanayaasha ayaa la sheegay in markii uu falal amni darri ka geystay Baydhabo uu u baxsaday deegaanno ay Al-shabaab maamulaan.

Korrneel Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Qeybta Lixdanaad ayaa ku dhowaaqay xukunka:

  • Dable Xoogga Xasan Yuusuf Aadan waxaa lagu xukumay 100 Halaad oo geel ah taa oo ah magta marxuum Ex-dable Xoogga C/qaadir Maxamuud Xasan
  • Dable Xoogga Xuseen Aadan C/rxmaan Maqane ah isna waxaa lagu xukumay 100 Halaad oo geel ah taa oo ah magta marxuum Ex-dable Xoogga C/qaadir Maxamuud Xasan
  • Maxamuud Xuseen Aadan waxaa lagu xukumay Hal sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneen xukunkaan ay u furan tahay iney racfaan  ka qaadato.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada