U bood dhigaalka

Baydhabo: Micheal Keating Oo Kormeeray Xarumo Ciidan, Lana Kulmay Mas’uuliyiin

Sheeko:Dalka

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo isaga oo u kuur-galay xaaladda ammaanka.

Sida uu ku waramayo Nuuradiin Gacma oo afhayeenka madaxtooyada Koonfur Galbeed, Micheal Keating waxaa uu Baydhabo kula kulmay ku-simaha madaxweynaha maamulka ahna wasiirka amniga Xasan Xuseeb Abay, waxaa kale uu tagay saldhigga dhexe isaga oo halkaasi ku qaabisay taliyaha saldhigga Dhiig Birig, warbixinna ka dhageystay.

Dhinaca kale, Keating waxaa uu soo booqday saldhigga tababarka ee ciidamada Ingiriiska ka filiyeen duleedka Airportiga Baydhabo, waxaa uu warbixin ka dhageystay heerka uu dhismaha marayo, waxaa uu sidoo kale soo arkey ceelal riigag ah oo halkaasi ka qodeen hey’adaha qaramada midoobey, isaga oo intaasi kadib u soo duulay caasimadda Muqdisho

Goobjoog News