U bood dhigaalka

Baydhabo: Odayaal Soo Dhaweeyay Mooshinkii Shalay Ay Meel Mariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay baarlamaanka Soomaaliya uu ugu codeeyay mooshinkii ka yaallay golaha wakiilada Jubbaland.

Malaaq Deyrow Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya, uuna ahaa mid loo baahnaa.

Waxa uu sheegay Malaaqa in baarlamaanka Jubbaland aan loo soo marin markii hore wadadii sharciga ahayd, islamarkaana hadda la waafajiyay jid toosan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in ka waxgarad ahaan ku amaanayaan doorka ay ka qaateen in ay ka hor tagaan Baarlamaanka Jubbaland oo sharci darro uu ku sheegay.

Shalay ayaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya waxa ay cod geliyeen mooshinka laga keenay baarlamaanka Jubbaland, iyadoona baarlamaankaasi dib loo celiyay, hase ahaatee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gabi ahaanba uu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News