U bood dhigaalka

Baydhabo: Prof. Jawari oo si wadajir ah ula Kulmay Xildhibaanno iyo Odayaasha dhaqanka

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Baydhabo si wadajir ah kulan ugula qaatay Xildhibaanno si kala gaar gaar ah usoo gaaray magaalada Baydhabo iyo Odayaasha Dhaqanka.

Kulammada kulankii ugu horeeyey waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolladan kuwaasi oo si kala gaar gaar ah usoo gaaray magaalada Baydhabo shalay iyo daraad waxaana kulanka oo ahaa wadatashi uu la xiriiray sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed.

Markaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu markale maanta la kulmay Odayaasha dhaqanka Gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose waxaana kulankaasi oo isna ahaa wadatashi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kala hadlay Odayaasha Dhaqanka sida ugu haboon ee loo dhameystiri karo hanaanka maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii ay kulammadaasi soo gebageboobeen la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan kulammadii wadatashiga ahaa ee uu maanta lakala qaatay Xildhibaannada iyo Odayaasha Dhaqanka ay guul iyo is faham kusoo idlaadeen islamarkaana Xildhibaannadu ay hada dhankooda shaqada kasii wadi doonaan waxaana uu rajo ka muujiyey iney guul kusoo idlaadaan dadaallada ka socda magaalada Baydhabo.